4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 13, 2017
Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle oo maanta khudbado ka dhageysanaya ilaa Afar musharax

 
Arbaco, September, 13, 2017 (HOL) –Musharixiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha cusub ee dowlad-Gobolleedka Hirshabeelle, ayaa maanta Baarlamaanka waxaa ay ka horjeedinayaan khudbadaha ku saabsan waxqabadkooda.

Musharixiinta waxaa ay tira ahaan gaarayaan ilaa siddeed, kuwaas oo kala ah Cabdikarim Cali Nuur, Cabdinasir Shirwac Maxamed, Daahir Cabdulle, Maxamed Cabdi Waare, Cabdi Faarax Laqanyo, Maxamed Caruush,  Cabdiraxmaan Xuseen Cadow iyo Yusuf Hagar Daba-geed.

Maanta oo Arbaca ah waxaa lagu waddaa in ilaa Afar musharax ay soo bandhigaan Khudbadahooda ku saabsan Taariikhdooda iyo qorshahooda waxqabad. Dhinaca kale guud ahaan abaabulka ololaha ay wadaan musharraxiinta ayaa si weyn looga dareemayay Magaallooyinka Muqdishu iyo Jowhar.

16-ka bishan oo ku beegan maalinta sabtida, ayaa lagu wadaa in Magaalladda Jowhar ay ka dhacdo Doorashada Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Munaasabad gelinkii dambe ee shalay xarunta guddiga doorashada madaxweynaha Hirshabelle, ka dhacay ayaa musharixiinta lagu gudoonsiiyay shahaadooyin musharaxnimo, waxaana guddiga uu sheegay in masharixiinta ay dhameystireen dhammaan shuruudaha.

Guud ahaan ammaanka magaalladda ayaa si weyn maanta loo adkeeyay, waxaana Jowhar, dhawannadii lasoo dhaafay ku qul-qulayay siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin dowladda ka tirsan.

Dhammaan siyaasiyiinta Soomaalidda iyo kuwa gobolka ayaa isha ku haya doorashada 16-ka bishan ka dhici doonta Jowhar.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia