4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 13, 2017
Danjiraha Dawladda Denmark ee Soomaaliya oo sheegtay in ay maalgashi ku sameyn doonaan Soomaaliya

 
Arbaco, September, 13, 2017 (HOL) –Danjiraha dawladda Denmark u fadhiya dalka Soomaaliya Mss Mette Knudsen, ayaa sheegtay amniga iyo horumarka socda inuu indhaha caalamka ku soo jeediyey dalka Soomaaliya. 

Mss Mette, ayaa dhinaca kale sheegtay in dowladda Denmark ay diyaar u tahay xaqiijinta iskaashiga labada dawladood iyo in maalgashi ay ku sameeyaan Soomaaliya.

Danjiraha, ayaa hadalkaasi waxaa ay ka sheegtay kulan shalay Magaalladda Muqdishu ay kula qaadatay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Kulanka labada dhinaca ayaa waxaa sidoo kale looga hadly sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo in Dawladda Denmark ay Soomaaliya ka caawiso dhinacyada dhaqaalaha iyo adeegyo horumarineed.

“Waxaan isla soo qaadnay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya labada dawladooda sidii loo horumarin lahaa, si gaar ah waxaan iskula soo qaadnay mashaariic wax tar u leh dalka in laga fuliyo”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xusay in Soomaaliya ay xaaladdeeda soo hagaageyso, isla markaana ay diyaar u tahay in waddankeeda la maalgashado, iyadoo sharciyadii maalgashiga iyo hannaanka maaliyadda ee dalka ay haatan si wanaagsan u shaqeynayaan.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia