4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 13, 2017
Madaxweynaha Koofur Galbeed iyo Safiirka UK oo ka wada hadlay, amniga, abaaraha iyo dib-u-dejinta barakacayaasha

 
Arbaco, September, 13, 2017 (HOL) –Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa shalay magaalladda Baydhabo kusoo dhoweeyay Safiirka Dowladda UK u fadhiya Soomaaliya David Concar iyo Wafdi uu Hoggaaminayo.

Labada dhinac ayaa soo dhoweyn kaddib, waxaa kulan ay yeesheen ay kaga hadleen arrimo badan oo ay kamid ahaayeen amniga, abaaraha, dib-u-dejinta barakacayaasha iyo dib-u-habeyn lagu sameeyo Wabiga.

Afhayeenka Madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed Nuurdiin Yuusuf, ayaa sheegay in dowladda Britain ay ballanqaaday in mashaariic ay kamid yihiin dayactirka Wabiga Shabeelle, si uu u keydiyo biyaha.

Dowladda UK u fadhiya Soomaaliya David Concar, ayaa dhinaca kale waxaa uu sheegay in maamulka uu sameyno horumar, isagoona ammaan u jeediyay ciidamada ka socda Britain ee taageerada siinaya ciidana dowladda iyo kuwa AMISOM.

Ugu dambeyn, qodobadii looga hadlay shirkii London ee Soomaaliya ee bishii May lagu qabtay London, ayaa waxaa kamid ahaa arrimaha bani’aadminimada. Dowladda ayaa lagu bogaadiyay sida ay ahmiyad weyn u siisay gurmadka dadka abaaruhu saameeyeen iyadoo sameysay wasaarad qaabilsan arimaha gargaarka.

Waxaana la isla gartay in la sameeyo qorshe lagu caawinayo dadka abaartu halakeysey si dhaqaale abuur loogu sameeyo, isla markaana looga fogaado in markale dhibaatada oo kale la kulmaan.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia