4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 13, 2017
Ra'iisul wasaaraha Bangladesh oo ugu baaqay QM iyo beesha caalamka inay cadaadiyaan xukuumadda Myanmar

 
Arbaco, September, 13, 2017 (HOL) –Ra'iisul wasaaraha dalka Bangladesh ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka inay cadaadiyaan xukuumadda Myanmar, si ay u oggolaato soo noqoshada boqollaal-ka kun ee ah qaxooti -gga Rohingya, kuwaas oo dalkaasi kasoo cararay dhawaan.

Sheikh Hasina, ayaa booqday Muslimiinta Rohingya, ee ku jira xero qaxooti oo ku taalla dalka Bangladesh.

Ku dhawaad 300 oo kun oo ah Muslimiinta Rohingya ayaa ka soo qaxay Myanmar labadii todobaad ee ugu danbeeyay. 

Win Myat Aye oo ah wasiirka dib u dajinta ayaa sheegay in ay dowlada ogolaan doonto oo kali ah in ay soo laabtaan dadka ku noolaa Myanmar islamarkana haysyta dhalashada dalkaasi.

Arrintani ayaa waxa ay micnaheedu tahay in ay kooban tahay tirada ku soo laaban karta Myanmar maadaama inta badan dadka Rohingya loo diiday dhalashada iyo muwaadinimada Myanmar.

Qaxootiga Rohingya ayaa sheegay in ciidamadu ay dab qabad siiyeen guryahooda ayna toogteen, balse dowladda Burma ayaa dafirtay arrintaasi waxayna ku eedeysay maleeshiyaadka Rohingya inay yihiin kuwa sababaya rabshadda.

Xadka dhanka Bangladesh, waddooyinka iyo xaafadaha ayaa waxaa buux dhaafiyay qaxooti, iyadoo hay`adaha gargaarku ay ay ka digayaan cunno yaraan ba`an.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia