4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 12, 2017
Puntland oo talaabo sax aheyd ku sheegtay Dhiibistii Qalbi Dhagax

 

Talaado, September, 12, 2017 (HOL) – Dowlad gobolleedka Puntland ayaa taageeray go'aankii Xukuumada Soomaaliya dhawaan ka qaadatay wareejintii C/Kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ahaa Saraakiisha ugu sareysa Jabhada ONLF.

Wasiiru Dowladaha Xariirka Gobalada ee Puntland Bashiir C/raxmaan Xaaji Gurxan ayaa sheega in uu soo dhaweenayo go'aankii Xukuumada Soomaaliya ku wareejisay C/Kariin Qalbi Dhagax.

Waxaa uu sheegay wasiirka in xukuumada Soomaaliya ay qaadatay go'aan muhiim ah oo laga fiirsaday, waxaa uuna intaa raaciyay in ay taageerayaan go'aanka xukuumada Soomaaliya ka qaadatay arinta Qalbi Dhagax.

“Go’aankii ay qaateen 6dii Bishaan Xukumadda waan taageersanahay waana mid sax ah oo aduunka oo dhan nagu taageeray waana inaa diidnaa cid kasta oo Soomaaliya Gudahadeeda ugu diilasa Wadamada dariska ah” ayuu yiri wasiiru dowlaha Xariirka gobalada ee puntland

Wasiiru Dowladaha Xariirka Gobalada ee Puntland ayaa ugu baaqay Labada Golle ee dowlada in ay joojiyaan mooshina ka dhanka ah Xukuumada Soomaaliya , waxa uuna kula taliyay in arinta Qalbi Dhagax asan dalkooda u dumin.

Inkastoo ay jiraan maamul gobolleedyo iyo shaqsiyaad taageeray go’aankii xukuumada, haddana dhinaca kale dowladda Soomaaliya ayaa wajaheysa mucaaradaddii ugu xoogga badeyd ee ka soo food saartay tallaabada ay Itoobiya ugu gacan galisay Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo noqday shaqsiga loogu hadal heynta badan yahay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]