4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 12, 2017
Xisbiga KULMIYE oo soo bandhigay barnaamij siyaasadeedkiisa cusub ee shanta sanno ee socota


Talaado, September 12, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Somaliland, mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta ka qaybgalay xafladda daah-furka barmaamij-siyaasadeedka cusub ee xisbiga Kulmiye,taas oo ay ka soo qaybgaleen madaxda sare ee xisbiga iyo taageerayaasha xisbiga.

Gudoomiyaha xisbiga kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo saraakiil kale oo xisbiga ka tirsan ayaa ka sheekeeyey barnaamij siyaasadeedka cusub ee xisbiga KULMIYE ee shanta sanadood ee soo socda.

Sidoo kale, waxa isaguna halkaasi ka hadlay madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo aasaasihii xisbiga ah,isla markaana mustaqbalka u rajeeyey xisbiga inuu ahaan doono mid sii jiri doonna.

“Dawladnimada, Dimuqraadiyadda, koboca dhaqaale iyo horumarka bulsho ee aynu gaadhnay, ma aha mid la innooga soo waariday degel-shisheeye, balse waa mid hal-abuurkeeda iyo himiladeedaba, aynu innagu la nimid.”ayuu yidhi Siilaanyo.

Mar uu ka hadlayey mudadii uu xilka hayey waxyaalihii uu qabtay waxa uu yidhi”Shaki kuma jiro, oo waa laga wada dheregsan yahay, in Muddo Xileedkii Koowaad ee Xukuumadda KULMIYE, wax weyn ka qabatay horumarka iyo dhismaha Dalka. Waxaannu suurto galiney, horumar ballaadhan oo dhinacyo badan leh, oo la taaban karo. Isbeddelladani waxay ka turjumayaan, ballan-qaadyadii uu Xisbiga Kulmiye la galay bulshada, xilligii uu ku jiray ololaha Doorashada.”

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sheegay inay ka go’an tahay inuu qabto doorasho xor oo xalaal ah,isla markaana nabad ku dhacda.

“Wax-qabadka ballaadhan ee Xukuumaddaydu ay qabatay, wuxuu ka mid ahaa ujeeddooyinka aan u aasaasay Xisbiga Kulmiye. Sidaa darteed, muddadii Xukuumaddu jirtay dadkii aan xilalka u magacaabay, waa ku ceeb inay cidi gaar u sheegato. Ragga uu taratanku ka dhexeeyo, iyo inta ku xeeranba, waxaan kula dardaarmayaa, in aanay isaga qaldamin Qarannimada iyo loollaanka iyo laacdanka iyaga ka dhexeeyaa.”ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland