4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 12, 2017
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo Danjiraha Denmark ee Soomaaliya oo ka wada hadlay, dhaqaallaha iyo adeegyada horumarinta

 
Talaado, September, 12, 2017 (HOL) –Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta magaalladda Muqdishu kula kulmay danjiraha dawladda Denmark u fadhiya Soomaaliya Mss Mette Knudsen.

Md. Mahdi iyo Mss Mette, ayaa kulankooda waxaa ay kaga hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo in Dawladda Denmark ay Soomaaliya ka caawiso dhinacyada dhaqaalaha iyo adeegyo horumarineed.

“Waxaan isla soo qaadnay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya labada dawladooda sidii loo horumarin lahaa, si gaar ah waxaan iskula soo qaadnay mashaariic wax tar u leh dalka in laga fuliyo”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xusay in Soomaaliya ay xaaladdeeda soo hagaageyso, isla markaana ay diyaar u tahay in waddankeeda la maalgashado, iyadoo sharciyadii maalgashiga iyo hannaanka maaliyadda ee dalka ay haatan si wanaagsan u shaqeynayaan.

Danjiraha Dawladda Denmark u fadhiya Soomaaliya Mette Knudsen ayaa sheegtay soo kabashada Soomaaliya ee dhinacyada Amniga iyo horumarka socda inuu indhaha caalamka ku soo jeediyey. Isla markaan ay Denmark diyaar u tahay xaqiijinta iskaashiga labada dawladood iyo in maalgashi ay ku sameeyaan Soomaaliya.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia