4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 12, 2017
Golaha Amaanka oo cunaqabateyn dhinaca dhaqaallaha ah kusoo rogay dalka Kuuriyada-Waqooyi

 
Talaado, September, 12, 2017 (HOL) –Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cunaqabateyn dhinaca dhaqaallaha ah kusoo rogay dalka Kuuriyada Waqooyi.

Cunaqabateyntan cusub ayuu goluhu sheegay inuu uga jawaabayo tijaabadi ay Kuuriyada Waqooyi ku tijaabisay saddexdi bishan September gantaal niyukleer ah.

Danjiraha Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobay Nikki Haley ayaa sheegtay in adduunyada aysan waligeed aqbali doonin in Waqooyiga Kuuriya ay isku hubeyso bam niyukleer ah.

Cunaqabateyntan cusub ayaa waxaa ka mid ah xannibaad lagu soo rogay dhoofinta waxyaabaha dharka laga sameeyo iyo xakameyn lagu sameeyo saliidda cayriinka ah ee ay soo dhoofsato Pyongyang. 

Haddii ay cunaqabatentani dhaqangasho, waxay Waqooyiga Kuuriya saddex meelood meel weyn doontaa saliida ay dibadda u dhoofiso.

Hasayeeshee taasi waxa ay wax badan ka hoosaysaa aragtidii aheyd in gebi ahaanba la jaro saadka shidaalka ee ay Kuuriyada Waqooyi hesho.

Qaraarkan jilicsan ayaa ka dhigan in culeyskii loo baahnaa aanay ku kordhin cunaqabateynta saarneyd dalkaasi taas oo uu Mareykanku soo jeediyay inay noqoto midda ugu xooggan.

Qaraarkan dib-u-eegista lagu sameeyay ayaa yimid kaddib markii ay wadahadallo yeesheen dalalka ka tirsan golaha ammaanka ee leh awoodda codka qayaxan sida Mareykanka, Ruushka, Shiinaha, Britain iyo Faransiiska.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia