4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 12, 2017
Musharax Waare : Qaar ka mid ah musharixiinta waxey isticmaalayaan hantida dowladda

 

Talaado, September, 12, 2017 (HOL) – Iyadoo Afar cisho ka harsan tahay doorashada madaxweynaha maamulka Hirshabeelle, ayaa waxaa magaalada Jowhar ka soconaya Ol’ole xoogan oo ay wadaan musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha.

Musharax Maxmed Cabdi Waare oo ah musharax u taagan qabashada xilka madaxweynaha ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah musharixiinta in ay caawineyso dowladda Soomaaliya, islamarkaana isticmaalyaan sida uu hadalka u dhigay hantida dowladda.

‘’Magaalada dhaxdeeda waxaad arkeysaa musharixiin ay ilaalinayaan ciidamadii Qaranka sidoo kalana wata ama isticmaalaya gadiid ay dowladdu leedahay, ‘’ ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare.

Isaga oo ka qeyb-galayay dood ka baxday TV –ga SomaliCable ayuu sheegay in ay musharixiinta qaar isticmaalayaan sida uu hadalka u dhigay hantida Qaranka iyo gadiidka dowladda dhexe laguna ilaalinayo magaalada.

Waa uu ka gaabsaday in uu sheego magacyada musharixiinta dowladda taageerada ka helaya, hasse ahaatee waxaa uu ku booriyay dhinacyada oo dhan in sharciga loo hogaasamo.

‘’ “Beesha caalamka waa ay aragtaa waxa dhacaya hadhow waxaa la leeyahay beesha caalamka maxay noo caawin weyday haddii sharciyada laga leexdo qaanuunka dowligana laga leexdo sidee naloo caawinayaa.”ayuu is weydiiyay musharax Waare.

Maxamed Cabdi Waare ayaa markii labaad isku soo taagay qabashada xilka madaxweynaha maamulka Hirshabeelle kaddib markii doorashadii sanadkii hore looga adkaaday, waxaana uu hadda ka mid yahay musharixiin sida gaarka ah loo hadal hayo ee ugu cad cad Ol’olaha doorasho ee socda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]