4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 12, 2017
Howlgallo xooggan oo maanta ka socda Magaalladda Galkacyo kaddib nabadoon xalay lagu dilay Magaalladda

 
Talaado, September, 12, 2017 (HOL) –Xaafadda Garsoor ee hoos-timaada Magaalladda Gaalkacyo ee xarunta gobolka Muduga, waxaa xalay lagu dilay nabadoon caan ka ahaa halkaasi, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Dilka nabadoonka waxaa uu ka dhacay agagaarka Hotel Kulmiye oo ku yaalla nawaaxiga Dugsiga Hoose Dhexe ee Ummadda Magaalladda Gaalkacyo.

“Kooxdii dilka geysatay waxaa ay ku hubeysnaayeen bistoolado, dilka kaddib waxaa ay ka baxsadeen goobta, intaasi kaddib ciidanka ammaanka ayaa yimid, waxaana ay sameeyeen howlgallo”, mid mid ah dadka deegaanka ayaa sidaasi Hiiraan Online u sheegay.

Mas’uuliyiinta laammaha ammaanka ee Galkacyo, ayaa lagu wadaa in dhawaan ay faah-faahin ka bixyaan dilka iyo sidii uu u dhacay. 

Dhinaca kale maanta howlgallo xooggan ayaa waxaa uu ka socdaa Magaalladda Galkacyo, kaas oo lagu adkeynayo ammaanka, sida saraakiisha ciidamada ay sheegeen.

Ma jirto cid sheegtay mas’uuliyada dilka nabadoonka, balse dhawaanadii lasoo dhaafay ayaa waxaa dalka Soomaaliya kusoo badanayay dilalka loo geysanayo nabadoonada.

1-dii bishii july ee sanadkan waxaa xaafadda Garsoor ee Galbeedka Gaalkacyo, lagu dilay askari ka tirsan ciidanka Puntland, waxaana lagu dhaawacy qof shacab ah oo la fadhiyey askariga la diley.   

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia