4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 12, 2017
Diyaarado dagaal oo duqeeyay degaanno hoos-yimaada degmadda Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo

 
Talaado, September, 12, 2017 (HOL) –Maamulka Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya, ayaa sheegay in xalay diyaarado dagaal ay duqeeyeen deegaanno hoos-yimaada degmadda Beled-Xaawo.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Gedo Maxamed Xuseen Al-qaadi, oo warbaahinta u warramay ayaa sheegay in deegaannada la duqeeyay ay kamid yihiin Qabar-sheeq iyo Bur-sagaar, sida uu hadalka u dhigay.

Md. Al-qaadi, ayaa sidoo kale sheegay in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab, loogana gubay ila Saddex gaari oo ay lahaayeen.

“Diyaaraddaha duqeynta fuliyay ayaa waxaa laga leeyahay dowladdaha aan deriska nahay, dib ayaan ka faah faahin doonaa khasaaraha rasmiga ah.” Ayuu yiri Guddoomiye Al-qaadi.

Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhintay ilaa toban kalena way ku dhaawacmeen weerar Al-Shabab ay shalay ku qaadeen magaalladda Beled Xaawo.

Dadka magaalladda ayaa sheegay in Al-Shabab ay magaalladda soo weerareen salaaddii subax, iyagoo laba dhinac kasoo weeraray.

Kooxda Al-Shababa ayaa weerar ku qaaday saldhig milatari oo ku yaalla dulleedka magaalladda, halkaasi oo ay la beegsadeen weerarro iskugu jira qaraxyo iyo weerar ciidan.

Sidoo kale waxaa ay weerareen saldhigga booliiska iyo xarunat degmada, waxaana la sheegayaa inay ugu yaraan laba qof toogteen.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia