4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 11, 2017
Al-Shabaab oo maanta dagaal kula wareegay degmadda Beled Xaawo ee gobolka Gedo

 
Isniin, September, 11, 2017 (HOL) –Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa saaka dagaal xooggan kula wareegay Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Al shabaab ayaa dhinaca bariga ka weeraray Degmada Beled Xaawo, waxaana dagaalka uu ku bilowday weerar is-qarxin ah, kaddibna waxaa xigay dagaal toos ah.

Ciidamadii maamulka Jubbaland ee ku sugnaa degmadda, ayaa markii dambe isaga-baxay, waxaana hadda degmadda guud ahaan gacanta ku haya Al Shabaab.

Ciidankii ka baxay degmadda ayaa waxaa ay u suganyihiin dulleedka degmadda, halkaas oo la sheegay in uu ka socdo babaabul ballaaran oo ciidanka ay waddaan.

Xaalad kacsanaan ah, ayaa saakay ka jirta Degmada Beled Xaawo, waxaana xiran goobaha waxbarashada iyo ganacsiga.

Horaantii bishan Al Shabaab ayaa sidan oo kale weerar xooggan ugu qaaday deegaanka Buula-gaduud oo dhacda dulleedka magaalladda Kismaayo ee xanunta maamulka Jubaland.

Wixii kusoo kordha halkan kala soco:.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia