4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 10, 2017
Farmaajo “Qof kasta oo aan la kulmo waxaa uu ii sheegaa in ciidanka Soomaalidda ay yihiin geesiyaal sooma-jeestayaal ah”

 
Axad, September, 10, 2017 (HOL) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegay in ciidanka Soomaaliya ay yihiin geesiyaal sooma-jeestayaal ah.

Hadalkaasi ayaa waxaa uu ka sheegay mar uu shalay kormeer ku tagay Dugsiga tababarka ciidamada ee Jeneraal Goordan ee magaalladda Muqdisho.

“Waxaa lagu xantaa Ciidanka Xoogga, markaan la sheekaystay Ajnabi, AMISOM, beesha caalamka iyo cidkastaba in aad tihiin geesiyaal sooma-jeestayaal ah. Xaqiiqiyanna meesha ay galaan aan ka soo noqonayn in ay guul ka keenaan mooyee.”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

“Qofkastana waxaa uu ii sheegaa in ay yihiin geesiyaal”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay Farmaajo. 

Intaas ka dib, waxa uu Madaxweyne Farmaajo khudbad dhiiri gelin ah u jeediyey askar tiradoodu kor u dhaafayso 1200, oo tababar gaar ah uu uga socdo dugsiga Jeneraal Goordan.

Madaxweyne Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu uga mahadceliyey dowladda Imaaraadka Carabta hir gelinta xaruntan iyo kaalinta ay ku leeyihiin qalabaynta iyo dib-u-dhiska ciidamada. 

Ciidanka dowladda ayaa waxaa ay isku-diyaarinayaan sidii ay ammaanka dalka oo dhan ay gacanta ugu dhigaan marka ay dhawaan baxaan ciidamada Midowga Africa ee AMISOM.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia