Isniin, October, 09,
2017 (HOL) -- Tartan loogu jiro gacan ku haynta
xarumaha xisbiyada loolanka siyaasadeed ugu jira hogaanka Somaliland ayaa ka
bilaabmay magaalada Laascaanood, iyadoo xaruntii gobolka Sool ee xisbiga
kulmiye maanta si toos ah looga baabiiyey astaamihii xisbigaas.
Qaar ka mid ah xubnaha golaha
degaanka degadmada Laascaanood ayaa afaafka hore ee xaruntaasi ku sheegay in ay
la wareegeen xarumihii xisbiga Kulmiye uu ku lahaa degmada iyagoo ku hadlay
afka xisbiga Waddani.
Duqii hore ee Degmada Laascaanood
Cismaan Saleebaan oo ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi "Waa xaruntii afraad ee
aan la wareegno, kadib markii ay dadku arkeen in ay ka xunyihiin isticmaarkii,
dadkuna iyaga ayaa ka saaraya guryahoodii, maantana kama duwana maalintii kana
siib kana saartii"
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee
goblka Sool Axmed Daadey oo aan la xidhiidhnay isaga oo Hargeysa ku sugan waxa
uu sheegay in ay been iyo Borobogaando la wado ay tahay.
"Anigu Hargeysa ayaan hada hawl
u joogaa anuu ma ogi wax la qabsaday iyo wax lala wareegey, xafiisyadii gobolka
waa furan yihiin, waxanse kuu sheegayaa inay jiraan dad borobogaando wada balse
waa la arki dhowaan xafiisyada lala wareego, ogow oo beentu lug la qabtay
leedahay" ayuu yidhi Daadey.
Loolankan oo ah mid si aad ah u
hadheeyey guud ahaan Somaliland ayaa haatan gobolka Sool waxaa si aad ah
hawlgalo xoogan uga wada xisbiga Waddani iyadoo xisbiga talada ahaya aad moodo
inuu ka sii jeedo oo uu ku mashquulsan yahay dhinaca Galbeed, waxaanse meesha
ka muuqan dhaqdhaqaaqiisu xisbiga Ucid.
Seynab Cabdi Warsame
[email protected]
Laascaanood G. Sool