4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 9 , 2017
Soomaalida Minnesota oo Soo Dhaweeyey Xildhibaano Qaranka Soomaaliyeed ka tirsan oo booqday Gobolka MN

Isniin, October, 09, 2017 (HOL) -Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota ayaa  u qabtay kulan soo dhaweena gabdho ka tirsan  labada Aqal ee Baarlamaanka Dowlada Fadaraalka ee Soomaaliya,oo baryahaan hawlo shaqo u joogay qaar ka mida gobolada dalkaan Maraykanka.

Xildhibaanadaan oo kala ah Sen.Fartuun Karaama, Sen.Samsam Maxamed, Sen.Deeqa Xuseen , Xil. Sagal Biixi iyo Xil.Xaniifa Xaabsade.

Maxamed Ciise Muuday oo ka mid ahaa gudigii qabanqaabada ayaa HOL u sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inay si wadajira Soomaalida Minnesota ay u soo wada dhaweeyaan xildhibanadaan qaran,waxuuna yiri maaha anaga kaliya Soomaali ahaan waxa soo dhaweenaya oo qiimayna masuuliyiintaan waad u jeedaan waxaa goobta ku sugan Duqa magaaladda Minneapolis  Betsy Hodges, Xildhibaano kala duwan oo haween Maraykan ah iyo waliba Ilhaan Omar oo ah xildhibaanad Soomaaliyeed oo laga soo doortay Minnesota.

Kulankaan oo ay ka hadleen Aqoonyahanada Waxgaradka iyo qaar ka mida waxgaradka Minnesota ayaa dhamaantood si wadajira ay u soo dhaweeyeen marti sharaftii lagu soo dhaweenayay Kulankaan.

Waxaa iyaguna halkaas ka hadlay Xildhibaanada labada Aqal oo sheegay in dalkaan ay u yimadeen hawlo shaqo , soona mareen gobolo kala duwan , waxayna dhamaantood isla qireen in dalka Soomaaliya uu ka socdo soo kabasho laga soo kabanayo diiftii ay reebeen dagalaadii sokeeye,

Waxayna aad sharaxeen kaalinta haweenka ay kaga jiraan hawlaha qaranka sida gudiyada baarlamaanka ,kaalinta ay ku lee yihiin gudiyada kala duwan ee labada aqal ,waxayna dhamaantood isla qireen in dalka uu ka jiro horemar siyaasadeed.laguna dadaali doono sidii loo soo saari lahaa sharciyo kala saara maamul goboleedyada & dowlada dhaxe.

Siyad Said Salah

HiiraanOnline

[email protected]

Minneapolis MN