4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 9 , 2017
Doorashada Golaha Deegaanka : Hukun Hurur oo Bulshada magaalada Fort McMurray ka Dalbaday in ay u Codeeyaan


Isniin, October, 09, 2017 (HOL) -Hukun Hurur oo ku dhashay Itoobiya , isla markaana muddo ka badan 15 sano daganaa Canada  ayaa u tartamaya in uu kamid noqdo xubnaha golaha deegaanka ee magaalada Fort McMurray oo ay Somali badan ku nool-yihin.

Mas’uulkan ayaa sheegay in uu rajaynayo in uu ku guulaysto mid kamid ah lixda Kursi ee deegaanka ,waxaana doorashadan uu tartankeeda galayo lagu wadaa in ay qabsoonto 16-ka bishan aynu ku jirno ee Ektoobar.

 “Hadii aan ku guulaysto kursigan waxaan xooga saari doonaa seddex arimood oo kala ah kor u qaadista fursadaha shaqo, is-dhex-galka iyo waliba dagaal aan la galo saboolnimada” ayuu yiri Hukun oo dhawaan waraysi bixiyay.

“Waxaan aad u fahan-sanahay in waqtigan la joogo ay bulshadu u baahan-tahay adeegyo heer-sare leh, waana la socda in ay caqabado badan leedahay arintaas sababo la xiriira dabka kaca xliyada qaar deegaanka “  ayuu mar kale yiri Hurur.

Hurur ayaa tilmaamay in uu wax ka qaban doono dadka guryahooda lagala noqdo ,sababo la xiriiira daymaha ay Bangiyada ka qaataan ,isaga oo tilmaamay intaasi uu ku xalinayo kordhinta fursdaha shaqo abuurka ee deegaanka.

“Ka bixitaanka ay dadka isaga baxayaan deegaanka ayaa dishay magaalada , qof kasta oo shaqadiisa waaya ,waxa uu u wareegayaa magaalo kale ,taasina waa caqabad kale”  ayuu mar kale xusay Hurur.


Ugu danbayn, booskan waxaa u tartamaya 13 musharax oo uu ku jiro Hurur oo bulshada ku nool magaalada Fort McMurray ka codsaday in ay codkooda siiyaan si uu wax uga qabto nolosha dadka ku nool halkaasi.  

Faysal M. Hassan
[email protected]