4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 9 , 2017
Kooxo hubeysan oo xalay weerar dhimasho iyo dhaawac sababay ka geystay Boosaaso

 

Isniin, October, 09, 2017 (HOL) – Kooxo hubeysan oo loo maleynayo in ay ka tirsanaayeen Ururka Al-shabaab ayaa xalay weerar culus ku qaaday Koontarool ku yaala duleedka magaalada Boosaaso oo ay ku sugnaayeen ciidamada Puntland.

Iska horimaad dhaxmaray labada dhinac oo socda mudo saacado ah ayaa ka dhacay goobta waxaa leysku adeegsaday hub kala duwan.

Inta la xaqiijinayo ilaa saddex askari oo ka tirsanaa ciidamadii ku sugnaa Koontaroolka la weeraray ayaa lagu dilay dagaalka, halka 10 kalena ay ku dhaawacmeen iska hor imaadka oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka degmada Boosaaso ayaa sheegaya in ay xalay maqlayeen rasaas iyo hub culus oo ka dhacayay koontaroolka ay ku sugnaayeen ciidamada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]