Isniin, October, 09, 2017 (HOL) - Dowladaha Turkiga iyo Maraykanka ayuu soo
kala dhexgalay muran qunsiliyad ka billawday, waxayna labadooduba joojiyeen
inta badan dal ku galkii ay muwaadiniinta kale siin jireen.
Safaaradda Turkiga ee Washington ayaa sheegtay in ay u baahan tahay in ay
dib u qiimaynayso, sida ay dawladda Maraykanka uga go’antahay ammaanka
shaqaalahaha iyo hawlahooda.
War midkaas aad ugu dhaw ayay mar hore soo saartay safaaradda Maraykanka ee
Ankara.
Arrintan ayaa timid iyadoo la qabtay qof ka shaqaynayay qunsuliyadda
Maraykanka ee Istanbul, isaga oo lagu tuhunsan yahay in uu calaaqaad la lahaa
wadaadkii lagu eedeeyay afgambigii dhicisoobay ee Turkiga ka dhacat sannadkii
hore.
Maraykanka ayaa arrintaas ku tilmaamay mid aan sal iyo raad lahayn ayna
dhaawacayso xiriirkii laba geesoodka ahaa.
Shaqaalaha qunsuliyadda ee la xiray ayaa ahaa muwaadin Turkiga u dhashay,
sida ay ku warrantay Anadolu.
BBC