Wararkii ugu danbeeyay ee shirka Kismaayo uga furmay madaxweynayaasha maamul gobolleedyada
Isniin, October, 09, 2017 (HOL) -- Magaalada Kismaayo ee
xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa ka soconaya shir halkaa uga furmaya
madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada dalka ka dhisan, waxaana shirkan daah
furay oo martigalinaya madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam
[Axmed Madoobe]
Shirka ayaa waxaa ka qeybgalaya Axmed Maxamed Islaam
(Axmed Madoobe) ayaa kulanka furay, waxaana goob joog ka ah Madaxweynaha
Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas), kan koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh
Aadan, Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo madaxweynaha n Galmudug Axmed
Ducaalle Geelle (Xaaf) iyo xubno kale oo ka socda maamul goboleedyada.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in shirka uusan
aheyn mid ay isku baheysanayaan dowladda Federaalka, islamarkaana ujeedku yahay
sidii wixii mugdi ah oo jira loo dhamayn lahaa.
Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa sheegay in Madaxda
maamul goboleedyada iyo dowlad goboleedyada looga baahan yahay inay u
hoggaansamaan Dastuurka oo uu xusay inuu yahay kan xalka lagu gaarayo.
Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Shariif Xasan ayaa sheegay in
maamul goboleedyada looga baahan yahay inay ka go’naato mowqif ay ku mideysan
yihiin inay shirkan ka soo saaraan.
Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas oo Puntland ah ayaa sheegay in shirkan muhiimadiisu
tahay in la sameeyo siyaasad ay ku mideysan yihiin madaxda dowlad goboleedyada,
waxaana uu tilmaamay in ujeedku aanu aheyn inay abuuraan dhibaato iyo kala
dambeyn la’aan.
Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare
ayaa sheegay in loo baahan yahay in dalka iyo dadka loo turo, islamarkaana laga
shaqeeyo midnimada.
Ammaanka magaalada Kismaayo gaar ahaan goobta uu shirka
ka furmay ayaa aad loo adkeeyay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]