4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 8 , 2017
Koobka Caga-yaraha : Xulka Kubad-da Cagta Brazil oo si dirqi uga badiyay xulka Somalia



Axad, October, 08, 2017 (HOL) –Somalia oo markii ugu horeysay ka qayb-galaysa koobka caga-yaraha adduunka ee 'World Mini Football' oo ka socda dalka Tunisiya ayaa caawa si darqi ah looga badiyay ka dib ciyaar adag oo ay la yeesheen xulka kubadda cagta Brazil.

Koobkan oo socon doona muddo 15 cisho ah ayaa waxaa ka qayb-galaya 24 dal oo caalamka ah oo ay Somalia ku jirto ,waxaana xulka kubadda cagta Somalia kulanka ay caawa la yeesheen Brazil looga badiyay hal gool ,iyadoo ciyaarta ay ku soo dhamaatay 2 iyo 3 gool.

Goolasha laga dhaliyay ciyaarta waxaa la wada hormaray xulka kubadda cagta Somalia ,iyada oo Brazil ay markasta la imaanaysay goosha bareejada ah ,waxaana goolka badiska ah ay Brazil dhalisay ka dib markii Somalia kaarka casaanka ah laga siiyay kabtankooda oo lagu magacaabo Daahir.

"Waxaan aaminsanahay caawa Brazil lama arkeen ,waayo anaga ayaa ka ciyaar fiicnayn ,waxaana sababta guushooda sabab u aha roosada nalaga qaatay " ayuu yiri C/qani Carabey oo xiriirka Somalia ee koobkan u qaabilsan gobolka Mudug.

Koobkan waa mid ka duwan kubad-da caadiga ah ,waxaana lagu ciyaaraa lix ciyaar-yahan iyo boorte ,waxaana Somalia ka socday laacibintii kala ah Maxamed Faarax iyo C/laahi Mangala oo ka tagay Puntlad ,iyada oo laacibiinta kale laga soo xulay wadamada qurbaha.

"Walaal koobkan qabashadiisa waxaa la bilabay sanadkii 2015-ka waxaana ku guulaystay Maraykanka sanadkan waa kii labaad oo la qabanayo ,waxaana nasiib wanaag ah in Somalia ay ka qayb-galayso " ayuu mar kale yiri Carabey.

Somalia waxaa  ciyaarta xigta ay la yeelan doonta xulka kubadda Cagta ee Ruushka oo laga soo badiyay ,iyada oo Grupka ay Somalia ku jirto uu kamid yahay kuwa uga adag ee ciyaaraya ,waxaana ay isku Group ku jiraan xulalka Brazil, Russia iyo waliba Bosnia.

Ugu danbay, Macalinka watay xulka Somalia Cismaan Maye Iskood ayaa u mahad-celiyay dhig-giisa Brazil ,isaga oo sheegay in ay ciyaar wanaag muujiyaan , isla markaana ciyaaraha xiga ay dhankooda guulo waa weyn ka keeni doonaan. 

Faysal M. Hassan
[email protected]