4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 8 , 2017
Al-shabaab oo la sheegay in ay dileen Nin badeeco u siday degmada Waajid

 

Axad, October, 08, 2017 (HOL) – Maleeshiyada ururka Al-Shabab ayaa la sheegay in ay dileen nin watay gaari dameer oo u socday magaalada Waajid.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa VOA u sheegay in gaari dameerkaasi ay saarnayd cuno la sheegay in la doonayay in loo iibgeeyo degmada Waajid

Magaalada Waajid ee gobolka Bakool ayaa ka mid ah magaalooyinka ay go’doomiyeen xoogagga Ururka Al-shabaab.

Al-shabaab ayaan ogoleyn deegannada ay go’doomiyeen in la geeyo wax badeeco ah iyaga oo la dirira hadba gadiidka isku daya in ay gudaha u galaan magaalooyinka go’doominta ku jira.

Ninka la dilay ayaa la sheegay in lagu toogtay meel u dhaxeysa degmada Waajid iyo deegaan lagu magacaabo Buurdhuxle, halka sidoo kale la sheegay in ay gubeen badeecadii saarneyd gaariga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]