Dufcadii ugu horeysay ardey ka qalinjabisay Jaamacada Jobkey fareecada magaalada Jowhar
Axad, October, 08, 2017 (HOL) – Xaflad weyn oo
shahaadooyin lagu guddoonsiinayey 130 arday oo ka qelin jebisay Shanta
kuliyadood ee Jaamacadda Jobkey faraceeda Magaalada Jowhar ayaa lagu qabtay
Magaaladaas.
Guddoomiyaha Jaamacadda Jobkey C/casiis Caagane C/samad
oo hadal jeediyey xafladan ayaa u hambalyeeyey ardayda qelin jebisay oo uu
sheegay iney juhdi iyo dedaal badan ku bixiyeen sidii ay heerkan u soo gaari
lahaayeen, wuxuuna xusay in ardaydan ay yihiin kuwii ugu horeeyey ee abid ee ka
soo baxa Jaamacad ku taalla Jowhar.
“Marka shahaadada la idin siiyo ka dib ha is dhihina
tacliinta wey dhamaatay, waxbarashadii rasmiga aheyd hadda ayey idin
bilaabatay” ayuu yiri Caagane oo dhinaca kale u mahad celiyey waalidiinta
ardayda qelin jebisay, iyo Maamulkii iyo macalimiintii ku soo dedaalay
sanadihii ay waxbarashada ku guda jireen, isagoo dhinaca kale ku dheeraaday
asaaska Jaamacadda marxaladihii ay soo martay, horumarka ay ku talaabsatay iyo
waxyaabaha mustaqbalka u qorsheysan.
Waxaa isna Munaasabadaas ka hadlay Ku-simaha Guddoomiyaha
ahna gudoomiye Ku-xigeenka gobolka ee dhinaca Maaliyadda C/llaahi Axmed Maxamed
(Shataawe) oo sheegay in ardayda qelin jebisey ay soo qaateen waqti adag oo
waxbarasho, loona baahan yahay ineysan khasaarinin, dedaalkoodana sii wadaan,
wuxuuna u hambalyeeyey ardayda iyo maamulka Jaamacadda.
Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Baarlamanka
Hirshabelle oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadashay Munaasabadan ayaa sheegay
iney u tahay maalin faraxadeed, uuna u hambalyada la wadaagayo ardayda qelin
jebisay, wuxuuna xusay in maamulka Hirshabelle uu xilka iska saari doono sidii
uu shaqooyin ugu abuuri lahaa ardayda qelin jebisay.
“Waxaa la idinkaga fadhiyaa inaad dadkiina iyo dalkiina u
horseedaan horumar ku saleysan aqoonta aad barateen, Soomaaliya hadda
burbur ayey ka soo kabaneysaa idinka iyo kuwa idinla mid ah ayey u baahan tahay
waa hubaal, Waxaan idinkaga digayaa inaad wadooyin qaldan qaadaan sida
tahriibka iyo wixii la mid ah, ” ayuu yiri Gudoomiye Barre oo dardaaran adag
siiyey ardayda qelin jebisay.
Sidoo kale Hadalo isugu jiray hambalyo, guubaabo iyo
dardaaran intii munaasabadan ay socotay ka jeediyey Masuuliyiin ay ka mid
ahaayeen gudoomiye ku-xigeenka Baarlamanka Hirshabelle Shiikh Cabdi Xuseen
Geeddi, C/llaahi Yuusuf Caloof guddoomiye ku-xigeenka dhinaca arrimaha bulshada
ee Maamulka gobolka Sh/dhexe, duqa magaalada Jowhar Saalax Muudey iyo xubno
kale oo ku hadlayey ururada haweenka, dalladaha waxbarashada iyo qeybaha
bulshada, waxaana munaabadaas goob joog ka ahaa wasiiro iyo Xildhibaano ka
tirsan Maamulka Hirshabelle iyo xubno kale.
Mas'uuliyiinta Jaamacadda Jobkey iyo madaxii
kale ee munaasabadan goob jooga ka ahaa ayaa waxay shahaadooyin gudoonsiiyeen
ardaydii ka qelin jebisay kuliyadaha Jaamacadda faraceeda magaalada Jowhar
waxaana xafladaas ay ku soo gebagebowday jawi farxad badan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]