4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 8 , 2017
Dufcadii ugu horeysay ardey ka qalinjabisay Jaamacada Jobkey fareecada magaalada Jowhar


Axad, October, 08, 2017 (HOL) – Xaflad weyn oo shahaadooyin lagu guddoonsiinayey 130 arday oo ka qelin jebisay Shanta kuliyadood ee Jaamacadda Jobkey faraceeda Magaalada Jowhar ayaa lagu qabtay Magaaladaas.

Guddoomiyaha Jaamacadda Jobkey C/casiis Caagane C/samad oo hadal jeediyey xafladan ayaa u hambalyeeyey ardayda qelin jebisay oo uu sheegay iney juhdi iyo dedaal badan ku bixiyeen sidii ay heerkan u soo gaari lahaayeen, wuxuuna xusay in ardaydan ay yihiin kuwii ugu horeeyey ee abid ee ka soo baxa Jaamacad ku taalla Jowhar.

“Marka shahaadada la idin siiyo ka dib ha is dhihina tacliinta wey dhamaatay, waxbarashadii rasmiga aheyd hadda ayey idin bilaabatay” ayuu yiri Caagane oo dhinaca kale u mahad celiyey waalidiinta ardayda qelin jebisay, iyo Maamulkii iyo macalimiintii ku soo dedaalay sanadihii ay waxbarashada ku guda jireen, isagoo dhinaca kale ku dheeraaday asaaska Jaamacadda marxaladihii ay soo martay, horumarka ay ku talaabsatay iyo waxyaabaha mustaqbalka u qorsheysan.

Waxaa isna Munaasabadaas ka hadlay Ku-simaha Guddoomiyaha ahna gudoomiye Ku-xigeenka gobolka ee dhinaca Maaliyadda C/llaahi Axmed Maxamed (Shataawe) oo sheegay in ardayda qelin jebisey ay soo qaateen waqti adag oo waxbarasho, loona baahan yahay ineysan khasaarinin, dedaalkoodana sii wadaan, wuxuuna u hambalyeeyey ardayda iyo maamulka Jaamacadda.

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Baarlamanka Hirshabelle oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadashay Munaasabadan ayaa sheegay iney u tahay maalin faraxadeed, uuna u hambalyada la wadaagayo ardayda qelin jebisay, wuxuuna xusay in maamulka Hirshabelle uu xilka iska saari doono sidii uu shaqooyin ugu abuuri lahaa ardayda qelin jebisay.

“Waxaa la idinkaga fadhiyaa inaad dadkiina iyo dalkiina u horseedaan horumar ku saleysan aqoonta aad barateen, Soomaaliya hadda burbur ayey ka soo kabaneysaa idinka iyo kuwa idinla mid ah ayey u baahan tahay waa hubaal, Waxaan idinkaga digayaa inaad wadooyin qaldan qaadaan sida tahriibka iyo wixii la mid ah, ” ayuu yiri Gudoomiye Barre oo dardaaran adag siiyey ardayda qelin jebisay.

Sidoo kale Hadalo isugu jiray hambalyo, guubaabo iyo dardaaran intii munaasabadan ay socotay ka jeediyey Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen gudoomiye ku-xigeenka Baarlamanka Hirshabelle Shiikh Cabdi Xuseen Geeddi, C/llaahi Yuusuf Caloof guddoomiye ku-xigeenka dhinaca arrimaha bulshada ee Maamulka gobolka Sh/dhexe, duqa magaalada Jowhar Saalax Muudey iyo xubno kale oo ku hadlayey ururada haweenka, dalladaha waxbarashada iyo qeybaha bulshada, waxaana munaabadaas goob joog ka ahaa wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Maamulka Hirshabelle iyo xubno kale.

Mas'uuliyiinta Jaamacadda Jobkey iyo madaxii kale ee munaasabadan goob jooga ka ahaa ayaa waxay shahaadooyin gudoonsiiyeen ardaydii ka qelin jebisay kuliyadaha Jaamacadda faraceeda magaalada Jowhar waxaana xafladaas ay ku soo gebagebowday jawi farxad badan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]