4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 8 , 2017
Xildhibaanno lagu weeraray magaalada Jowhar

 

Axad, October, 8, 2017 (HOL) – Magaalada Jowhar ee xarunta u ah maamulka Hirshabeelle ayaa lagu waramayaa in weerar lagu qaaday gaari ay la socdeen labo xildhibaan oo ka mid ah xildhibaanada maamulka.

Xildhibaan Faarax Maxamed Cismaan”Gacaney”  ayaa la sheegay in dhaawac fudud ka soo gaaray weerarka halka Xildhibaan kale oo lagu magacaabo Maxamed Yuusuf Colow aysan waxba ka soo gaarin rasaasta lagu furay gaariga.

Wararku waxa ay sheegayaan in gacanta lagu dhigay Askariga rasaasta ku furay gaariga ay saarnaayeen xildhibaannada oo hadda ku xiran saldhiga booliska magaalada Jowhar.

Xildhibaan Maxamed Yusuf Coloow ayaa sheegay in uusan fahmi karin sababta uu Askariga rasaasta ugu furay

Waa markii ugu horeysay ee xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Hirshabelle lagu dhaawaco magaalada Jowhar.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]