4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 8 , 2017
Madaxda dowlad goboleedyada dalka oo dhammaan ku sugan Kismaayo [Sawirro]


Axad, October, 8, 2017 (HOL) – Madaxda dowlad goboleedyada Puntland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Madaxweyneyaasha Puntland, Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa maanta soo gaaray Kismaayo, ayadoo madaxweynaha Koonfur Galbeed uu magaalada yimid maalintii Jimcaha ee aynu kasoo gudubnay.

Madaxdan ayaa siweyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, halkaa oo ay ku sugnaayeen boqollaal shacabka reer Kismaaoy ah iyo masuuliyiinta ugu sareeysa ee Jubaland.

Madaxweynaha Jubaland ayaa dhammaan masuuliyiintan kusoo dhaweeyay Kismaayo, ayagoo socod la dhexmaray dadweeynihii u yimid soo dhaweeyntooda, waxaa diyaaradihii siday masuuliyiinta u dhexeeyay saacado.

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Max'ed Cabdi Waare

Waxa uu sheegay in uu ku faraxsanyahay imaatinkiisa Kismaayo, isagoo xusay in ay wax lagu farxo tahay in madaxda Soomaalida ay aayahooda uga tashadaan dalkooda isagoo sheegay in uu shirkan ka rajeeynayo in ay kasoo baxaan wax dan u ah umadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf


Waxa uu sheegay in soo dhaweynta Kismaayo uu kala kulmay ay tahay mid taariikhi ah, isagoo uga mahadceliyay madaxda iyo shacabka Jubaland.

Waxa uu shegay in isaga iyo dowladda dhexe uu ka dhex jiro khilaaf, taa oo uu sheegay in uu rajeeynayo in uu dhammaan doono.
Madaxda ayuu ka codsaday in aan la isku mashquulin oo la ilaaliyo danta umadda Soomaaliyeed.

Madaxweeynaha Puntland Dr. C/weli Max'ed Cali Gaas

Waxa uu uga mahadceliyay Madaxweynaha Jubaland soo dhaweyntiisa, isagoo xusay in uu si shuruud la'aan ah usoo dhaweeynayo gogosha nabadeed ee ay Jubaland fidisay.
Waxa uu madaxda ka qeybgaleeysa shirka kula dardaarmay in ay ilaaliyaan danta guud.

Masuuliyiinta ayaa ku sugan guriga martida ee magaalada Kismaayo, halkaa oo la filayo in uu ka furmo shirka.

Goordhow filo Muuqaallada qaar kamid ah masuuliyiinta.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.