4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 8 , 2017
Xafiiska Somaliland ku leedahay Addis Ababa oo xalay dab qabsaday iyo sababta oo wali la ogaan

 

Axad, Octobar,08,  2017 (HOL)- Xafiiska Somaliland ku leedahay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa xalay abaaro kow iyo tobankii habeeniimo  qayb ka mid ah uu dab qabsaday.

Dabka qabsaday dhismaha xafiiskaasi ayaa loo qabtay hal qof, taas oo dawladda Itoobiya baareyso sababta dabkaasi keentay.

Wakiilka Somaliland ku leedahay Itoobiya Amb. Cali Shoombe ayaa si kooban uga hadlay dabkaasi qabsaday xafiiska, islamarkaana ku gaabsaday in labaarayo sababta dhalisay dabkaasi xafiiska qaybo ka mid ah.

"Khasaare sahlan ayaa soo gaadhay fiidkii xalay qayb ka mid ah xafiiska safaarada Somaliland ee Addis ababa ka dib markii dab qabsaday, hal qof ayaa loo qabtay, waxaana baaris ku wada ciidamada booliska iyo dab damiska Itoobiya" ayuu yiri Amb. Cali Shoombe  wakiilka Somaliland u fadhiya Ethiopia.

 

Somaliland iyo Itoobiya ayaa leh xidhiidh wanaagsan, waxaana ka dhexeeya ganacsi iyo isku socod maalinle ah, taas oo sababtay in labadda dhinac xafiisyo ku kala yeeshaan labadda caasimadood ee Hargeysa iyo Addis Ababa.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.