Axad, October, 08, 2017 (HOL) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali
Kheyre ayaa xarunta Aqalka Sare kula kulmay guddiga la socodka arrimaha
dib-u-eegista dastuurka ee baarlamaanka.
Kulanka ayaa looga hadlay heerka wada shaqayn ee ka dhaxeeya laamaha ku
howlan dastuurka iyo habka looga gudbi karo caqabadaha hortaagan dhammaystirka
dastuurka Soomaliya.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay in laga wada
shaqeeyo dhammaystirka dastuurka, si loogu gudbo wax walba oo dib-u-dhac u
keeni kara in waqtigii loogu talagalay ay ku dhamaan wayso dib-u-eegista
dastuurka.
Guddoomiyaha Guddiga la socodka arrimaha dib-u-eegista dastuurka ee baarlamaanka
Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha ay isku
fahmeen wixii khilaaf ah in la dhameeyo si howlaha dastuurkana la
der-gergeliyo.
Shirweynihii Qaran ee looga hadli lahaa dib u eegista dastuurka ayaa maanta
dib u dhac ku yimid, kaddib markii maamul goboleedyada dalka iyo guddiyada dib
u eegista dastuurka ay qaadaceen, hase ahaatee wasiirka dastuurka C/raxmaan
Xoosh Jibriil ayaa sheegay in shirkan uu u baaqday arrimo farsamo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]