4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 8 , 2017
Ra’iisal wasaare Kheyre oo kulan la qaatay guddiyada dib-u-eegista dastuurka

 

Axad, October, 08, 2017 (HOL) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xarunta Aqalka Sare kula kulmay guddiga la socodka arrimaha dib-u-eegista dastuurka ee baarlamaanka.

Kulanka ayaa looga hadlay heerka wada shaqayn ee ka dhaxeeya laamaha ku howlan dastuurka iyo habka looga gudbi karo caqabadaha hortaagan dhammaystirka dastuurka Soomaliya.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay in laga wada shaqeeyo dhammaystirka dastuurka, si loogu gudbo wax walba oo dib-u-dhac u keeni kara in waqtigii loogu talagalay ay ku dhamaan wayso dib-u-eegista dastuurka.

Guddoomiyaha Guddiga la socodka arrimaha dib-u-eegista dastuurka ee baarlamaanka Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha ay isku fahmeen wixii khilaaf ah in la dhameeyo si howlaha dastuurkana la der-gergeliyo.

Shirweynihii Qaran ee looga hadli lahaa dib u eegista dastuurka ayaa maanta dib u dhac ku yimid, kaddib markii maamul goboleedyada dalka iyo guddiyada dib u eegista dastuurka ay qaadaceen, hase ahaatee wasiirka dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in shirkan uu u baaqday arrimo farsamo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]