4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 8 , 2017
Madaxda Galmudug iyo Hirshabeelle oo Kismaayo Gaaray iyo madaxda Puntland oo la sugayo


Axad, October, 8, 2017 (HOL) – Waxaa goordhow magaalada Kismaayo soo gaaray madaxda dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle, ayadoo  la filayo in saacadaha nagu soo aadan uu magaalada Kismaayo soo gaaro wafdi ka socda dowlad goboleedka Puntland.

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Max'ed Cabdi Waare iyo Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle (Xaaf)  ayaa kasoo dagay garoonka diyaaradaha Kismaayo, waxaana halkaa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Max'ed Islaam, kuxigeenkiisa iyo xubno ka tirsan baarlamanka dalka.

Sidoo kale waxaa garoonka Kismaayo ku sugan wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Jubaland iyo qaar kamid ah ururrada bulshada rayidka ah ee Jubaland, kuwaa oo ka qeybqaadanaya soo dhaweynta madaxda.

Waxaa magaalada Kismaayo hore ugu sii sugnaa wafdi uu hogaaminayay Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo maalin ka hor soo gaaray magaalada Kismaayo.

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland C/weli Max'ed Cali Gaas ayaa la filayaa in goordhow ay kasoo dagaan garoonka diyaaradah Kismaayo.

Filo Sawirro iyo warbixin faahfaahsan oo ku aadan wufuudda Kismaayo soo gaaray.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.