4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 8 , 2017
Jubbaland: Shirka Kismaayo wuu furmayaa mana jirto sabab uu u baaqan karo

Axad, October, 8, 2017 (HOL) –Afhayeenka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jublaand Mudane C/naasir Seeraar Maax oo wareeysi gaar ah siiyay shabakadda Hiiraan Online ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay warar ay baahiyeen qaar kamid ah warbaahinta Soomaalida oo sheegaya in uu baaqday shirkii Kismaayo.

Afhayeenka ayaa sheegay in magaalada Kismaayo ay maanta soo gaarayaan wufuuddii ugu danbeeysay ee ka socota dowlad goboleedyada, islamarkaana aysan jirin wararka sheegaya in shirku dib u dhacay.

"Waxaan kuu xaqiijinayaa in shirka uu furmayo, waxaan arkay warbaahin i xiganeeysa oo leh afhayeenka dowladda Jubaland ayaa noo xaqiijiyay, warkaasi waa layga been abuurtay mana oran," ayuu afhayeenku hadalkiisii raaciyay.

Mar aan weeydiinnay sababta keentay in laga been abuurto, ayuu yiri: "Kolley anigu ma garanayo, waxayse ila tahay in la siyaasadeeyay, waanse ku daba jirnaa."

Hadalka afhayeenka ayaa kusoo beegmaya ayadoo qaar kamid ah warbaahinta ay qortay in uu baaqday shirkii nabadeed ee la filayay in uu ka furmo magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale, waxaa garoonka diyaarada magaalada Kismaayo hadda ku sugan madaxda ugu sareeysay ee Jubaland iyo qeybaha kala duwan ee ururrada bulshada rayidka ah, waxaana la filayaa in goordhow ay magaalada soo gaaraan madaxda dowlad goboleedyada Puntland, Galmudug iyo Hirshabeelle.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.