4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 8 , 2017
Kenya oo sheegtay in ay dishay rag ay siweyn ugu raad joogeen

 

Axad, October, 08, 2017 (HOL) – Kenya ayaa sheegtay in howlgallo qorsheysan ay ku dishay bilihii la soo dhaafay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab, kuwaa soo ay horay lacag u duldhigtay.

Dowladda Kenya waxa ay sheegtay in dhowr howlgal oo badankood ka dhacay Koonfurta Soomaaliya in lagu dilay raggaasi.

Waxaa ay sheegtay in ciidamada booliska ee la dagaalanka argagixisadda ay soo gudbiyeen xogta lagu beegsaday raggaasi.

Sarkaal Sare oo ka tirsan waaxda la dagaalanka argagixisadda ee Kenya ayaa sheegay in ay ku guuleysteen lacagihii ay bixiyeen oo ay duldhigeen saraakiisha Al-Shabaab ee weerara dalka Kenya.

Waxaada sirdoonka ayaa sidoo kale sheegtay in ay qorsheynayso in wali lacago badan lagu sii bixiyo raadinta Saraakiisha Al-Shabaab.

Bishii July booliska dalka Kenya ayaa sheegay in lacag dhan Sh2 million oo lacagta Kenya ah ay siin doonaan qofkii soo sheegaa shan nin oo lagu tuhmaayo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab,kuwaasi oo la sheegay in ay ka danbeeyeen weeraro lagu qaaday magaaladda Lamu ee Dalka Kenya.

Dowladda Kenya ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa  ay lacago dul dhigtay rag u dhashay dalkaasi oo la sheegay in ay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]