4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 8 , 2017
Shirweynaha Qaran ee dib-u-eegista dastuurka oo dib u dhac ku yimid

 

Axad, October, 08, 2017 (HOL) – Shirweynaha Qaran ee dib-u-eegista dastuurka oo qorshuhu ahaa in uu maanta furmo ayaa dib u dhacay kaddib markii ay ka baaqdeen ka qeybgalka shirka wafuudii la filayay in ay ka yimaadaan maamul gobolleedyada dalka.

Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa shaaca ka qaaday in shirka uu arrimo farsamo dib ugu dhacay.

Shirkan ayaa qorshihiisa ahaa in uu socdo muddo labo cisho ah, iyadoo Muqdisho ay soo gaareen Ururada bulshada rayidka iyo dad ka yimid qurbaha oo lagu casuumay.

Maamul gobolleedyada dalka ka dhisan ayaa qaadacy ka qeybgalka shirka oo maanta oo Axad ah ka furmi lahaa magaalada Muqdisho.

Waxaa sidoo kale ka hor yimid shirka guddiyada dastuurka labada golle ee dowladda, waxaana guddoomiyaha guddiga Cabdi Qeybdiid uu sheegay in shirkaas uu caqabad ku yahay geedi socodka arrimaha dib u eegista Dastuurka

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]