4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 7 , 2017
Xukuumadda Somaliland oo sheegtay in guddi farsamo loo saaray sidii loogu heshiin lahaa Hawadda Somaliland iyo Soomaaliya

 

Sabti, Octobar,07, 2017 (HOL)- Xukuumadda Somaliland ayaa ka warbixisay shir ay iskugu yimaadeen wasiirka Duulista hawadda Somaliland iyo wasiirka Duulista Soomaaliya oo ka dhacay wadanka Itoobiya, waxaana la sheegay in guddi farsamo loo saaray sidii loogu heshiin lahaa maamulilada hawadda ee Somaliland iyo Soomaaliya.

Wasaaradda Duulista iyo Gaadiidka Cirka ee Somaliland Farxaan Aadan Haybe  ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin in Soomaaliya lagu wareejiyey maamulidda hawadda, haseyeeshee ay wali maamusho hay’adda qaramadda midoobay u qaabilsan hawadda ee ICAO.

“Shirkani waxa uu ahaa bilow wada-hadalkuna wuu soconayaa waxaanu saarnay guddi farsamo oo labada dawladood ka socda oo isu imanaaya sida ugu dhakhsaha badan oo eegaya sida ugu macquulsan ee hawadii loo maamulayo ee qolo waliba kaalinteeda ugu yeelanayso markaa waxa ay ku xidhan tahay waxa ay soo saarto khubaradaasi oo haddii loo baahdo aanu ku kabayno khubaro caalamiya”ayuu yidhi wasiirka Duulista Somaliland oo ka hadlayey shir Addis-ababa ka dhacay oo Somaliland iyo Soomaaliya ka wada hadlayeen habka labadda dhinac ugu heshiin lahaa hawadda.

Waxaanu intaas ku daray “waxaan cadaynayaa Madaarka Hargeisa maamulkiisu waa u dhamaystiran yahay wax cid lagu wareejinayana maaha waxaanu la standard yahay Madaarada caalamiga ah ee dunida waayo intaa oo Diyaaradood may yimaadeen meel aan hab maamulkiisu dhamaystirnayn”

Wasiirka duulista Somaliland waxa uu carabka ku adkeeyey in aan wali la wareejin hawaddii Soomaaliya iyo Somaliland, islamarkaana wali gacanta ku hayso hay’adda qaramadda midoobay u qaabilsan Hawadda illaa inta laga heshiinayo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.