\
Sabti, October, 07, 2017 (HOL) – Maagaalada Muqdisho ayaa
maanta lagu qabtay kulan looga hadlayay xaqiijinta amniga gaar ahaan caasimada
Soomaaliya kaa oo daba socday shirkii London ee xoojinta amniga dalka.
Waxaa shirkan daah furay ra’iisal wasaare ku-xigeenka xukuumada Soomaaliya
Mahadi Maxamed Guulleed iyo safiirka
Sweden ee Soomaaliya.
Shirkan oo ka furmay xarunta Xalane ee AMISOM ayaa waxaa ujeedadiisa iyo
waxyabaaha looga hadlayo u faah faahiyay warbaahinta wasiirka wasaarada
warfaafinta xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow.
‘’Runtii shirkan waa shir muhiim ah loogu yeeray beesha caalamka si wax
looga weydiiyo waxa uga aadan iyo sida ay u saacidi karaan Soomaliya, waad
ogtihii shirkii London wuxuu ahaa in beesha caalamka ka dhabeeyaan baaqoodii
ahaa in ay amniga u soo jeesanayaan, marka shirkan qeyb ayuu ka yahay waxaa uu
daba socdaa balanqaadii hore ee shirkii London’’ayuu yiri wasiirka.
Dowladda Sweden ayuu sheegay wasiirka in ay qaadatay doorka hogaamineed ee
beesha caalamka ee ku aadan Soomaaliya.
‘’Dowladda Sweden ayaa qaadatay doorka hogaamineed ee beesha caalamka, iyada
ayaa isku keeni doonta islamarkaana ka shaqeyn doonta sidii dhaqaale loogu heli
lahaa hormarintan dhamaan qodobadii ku jiray heshiiskii London ee wasaarad walba
laga rabo in ay waajibkeeda ka gudato’’ ayuu yiri wasiirka.
Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo hadal kooban ka jeediyay shirka
ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya kala shaqeyn doonto beesha caalamka sidii
loo soo afjari lahaa qatarta waxa loogu yeero Argagixisada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]