4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 7 , 2017
Kulan ku saabsan amniga oo ka dhacay magaalada Muqdisho

\

Sabti, October, 07, 2017 (HOL) – Maagaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay kulan looga hadlayay xaqiijinta amniga gaar ahaan caasimada Soomaaliya kaa oo daba socday shirkii London ee xoojinta amniga dalka.

Waxaa shirkan daah furay ra’iisal wasaare ku-xigeenka xukuumada Soomaaliya Mahadi Maxamed Guulleed iyo safiirka Sweden ee Soomaaliya.

Shirkan oo ka furmay xarunta Xalane ee AMISOM ayaa waxaa ujeedadiisa iyo waxyabaaha looga hadlayo u faah faahiyay warbaahinta wasiirka wasaarada warfaafinta xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow.

‘’Runtii shirkan waa shir muhiim ah loogu yeeray beesha caalamka si wax looga weydiiyo waxa uga aadan iyo sida ay u saacidi karaan Soomaliya, waad ogtihii shirkii London wuxuu ahaa in beesha caalamka ka dhabeeyaan baaqoodii ahaa in ay amniga u soo jeesanayaan, marka shirkan qeyb ayuu ka yahay waxaa uu daba socdaa balanqaadii hore ee shirkii London’’ayuu yiri wasiirka.

Dowladda Sweden ayuu sheegay wasiirka in ay qaadatay doorka hogaamineed ee beesha caalamka ee ku aadan Soomaaliya.

‘’Dowladda Sweden ayaa qaadatay doorka hogaamineed ee beesha caalamka, iyada ayaa isku keeni doonta islamarkaana ka shaqeyn doonta sidii dhaqaale loogu heli lahaa hormarintan dhamaan qodobadii ku jiray heshiiskii London ee wasaarad walba laga rabo in ay waajibkeeda ka gudato’’ ayuu yiri wasiirka.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo hadal kooban ka jeediyay shirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya kala shaqeyn doonto beesha caalamka sidii loo soo afjari lahaa qatarta waxa loogu yeero Argagixisada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]