4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 7 , 2017
Xisaabiyaha guud ee Qaranka oo si rasmi ah xilkii ula wareegtay


Sabti, October, 07, 2017 (HOL) – Wasiirka wasaarada maaliyada Soomaaliya ayaa goob joog ka ahaa munaasabad kooban oo si rasmi ah xilka xisaabiyaha guud ee Qaranka Soomaaliya kula wareegtay marwo Faadumo Cismaan Faarax.

Gollaha wasiirada xukuumada Soomaaliya ayaa shirkoodii Khamiistii aynu soo dhaafnay xilkii Xisaabiyaha guud ka qaaday Axmed Muumin Siraaji oo ku dhawaad mudo shan sano ah xilkan soo hayay.

Mas’uuliyiintii ka qeybgashay munaasabada xil wareejinta ayaa ku booriayay Marwo Faadumo Cusmaan Faarax xisaabiyaha guud ee Qaranka in ay dardargeliso waajibaadka ay la wareegtay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]