4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 7 , 2017
Maamul gobolleedyada oo aan ka qeybgali doonin shirka dib-u-eegista dastuurka ee heer Qaran

 

Sabti, October, 07, 2017 (HOL) – Inta badan maamulada dalka ka jira ayaan ka qeybgali doonin shirweynaha dib u-eegis dastuurka ee heer Qaran oo la filayo in maalinta berri ah uu ka furmo magaalada Muqdisho.

Sababta ka qeybgal la’aanta shirka ee maamul gobolleedyada ayaa lagu micneynayaa kulanka la filayo in uga furmo magaalada Kismaayo madaxda dowlad gobolleedyada oo la sheegay in looga arisanayo siyaasada dalka.

C/raxmaan Xoosh Jibriil Wasiirka Dastuurka ayaa sheegay in shirweynaha Qaran ee Dastuurka uu furmi doono 8-da bishan oo ku beegan maalinta berri oo Axad ah.

Shirka magaalada Kismaayo ayeey dowladda federaalka u muuqataa in aysan wax door ah ku laheyn.

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday kulamo wadatashi ah oo ay uga hadleyso arrimaha dib u eegista Dastuurka.

Arrimahan oo dhan ayaa marka aad eegto waxaa ay u muuqdaan kuwo sii xoojinaya farqiga siyaasadeed u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulada gobolleedyada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]