Sabti, October, 07, 2017 (HOL) – Wiilkan oo da’diisa lagu qiyaasay 14 sano
jir ayaa meydkiisa laga helay xeebta degmada Karaan ee gobolka Banaadir, kaa loo
maleynayo in uu badda ka soo caariyay.
Wararka qaar ayaa sheegaya in wiilkan meydkiisa la helay uu ka mid ahaa
dadkii Jimcihii shalay u damaashaad tagay xeebta balse markii danbe la waayay.
Inta badan xilliyada ay baddu kacsan tahay ayaa waxaa dhacda in dadka ku
dabaasha inay qaado, waxaana dhowr jeer digniin laga soo saaray in dadka ay u
dabaal tagaan xeebta xilliyada ay kacsan tahay.
Maalmo ka hor ayay aheyd markii xeebta Liido lagu arkay wiil dhalinyaro ah
oo da’diisu lagu qiyaasay 18 jir, kaasoo ay badda soo tuftay.
Boqolaal dhalinyaro ah ayaa Jimco walba u damaashaad iyo dalxiis taga
xeebaha Muqdisho, laakiin dhalinyaradaas in badan oo ka mid ah waxaa la sheegaa
in aysan si wanaagsan u aqoon dabaasha taasoo keenta in qaarkood ay la tagto
badweynta.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]