4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 7 , 2017
Meydka wiil dhalinyaro ah oo laga helay xeebta degmada Kaaraan

 

Sabti, October, 07, 2017 (HOL) – Wiilkan oo da’diisa lagu qiyaasay 14 sano jir  ayaa meydkiisa laga helay xeebta degmada Karaan ee gobolka Banaadir, kaa loo maleynayo in uu badda ka soo caariyay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in wiilkan meydkiisa la helay uu ka mid ahaa dadkii Jimcihii shalay u damaashaad tagay xeebta balse markii danbe la waayay.

Inta badan xilliyada ay baddu kacsan tahay ayaa waxaa dhacda in dadka ku dabaasha inay qaado, waxaana dhowr jeer digniin laga soo saaray in dadka ay u dabaal tagaan xeebta xilliyada ay kacsan tahay.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii xeebta Liido lagu arkay wiil dhalinyaro ah oo da’diisu lagu qiyaasay 18 jir, kaasoo ay badda soo tuftay.

Boqolaal dhalinyaro ah ayaa Jimco walba u damaashaad iyo dalxiis taga xeebaha Muqdisho, laakiin dhalinyaradaas in badan oo ka mid ah waxaa la sheegaa in aysan si wanaagsan u aqoon dabaasha taasoo keenta in qaarkood ay la tagto badweynta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]