4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 7 , 2017
Ra'iisal wasaare Kheyre oo ka qeybgalay Aaska marxuum Jen Cismaan Badmaceeye

 

Sabti, October, 07, 2017 (HOL) - Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Cali Khayre, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Saraakiil iyo Siyaasiyiin ayaa ka qeyb galay salaadda Janaasada ee Marxuum Gen. Maxamed Sheekh Cismaan Badmaceeye oo dhawaan ku geeriyooday dalka Mareykanka.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa tacsi u diray eheladda, qarabada iyo guud ahaanba bulshada Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuumku, isagoona ALLE uga baryey in uu naxariistiisa janno ka waraabiyo.

Marxuumka ayuu ku tilmaamay Ra’iisul Wasaaraha in uu ahaa shaqsi qiimo weyn ku dhex lahaa ciidamada xooggga dalka Soomaaliyeed iyo guud ahaan-ba dalka

Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khaye ayaa sidoo kale sheegay in Marxuum Jeneral Badmaceeye uu ahaa shaqsi jecel wadankiisa. Isla markaana uu kamid ahaa Saraakiishii ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo nidaamka dawladnimada ee Soomaaliya kaalin fiican ka soo qaatay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]