4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 7 , 2017
Axmed Madoobe ‘’ Shirka Kismaayo waxba uma dhimi doono siyaasada Soomaaliya

 

Sabti, October, 07, 2017 (HOL) - Madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa sheegay in shirka Kismaayo ka furmaya oo ay ka qeybgali doonaan madaxda maamul gobolleedyada dalka ka dhisan waxba u dhimi doonin siyaasada dalka.

‘’ Waxaan rabaa in aan u sheego shacabka Soomaaliyeed, xukuumada federaalka iyo cid kasta oo daneyneysa midnimada ummada Soomaaliyeed in shirkan Kismaayo uu yahay shir nabadeed oo wanaag lagu raadinayo, waxba u dhimi doonin midnimada iyo wadajirka ummada Soomaaliyeed waxaadna ka ogaan doontaan natiijada ka soo baxda’’ ayuu yiri madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Kismaayo maalintii shalay waxaa tagay wafdi uu horkacayo madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan, waxaana sidoo kala la flayaa in saacadaha soo socda gaaraan wafuud ka kala socta maamul gobolleedyada dalka iyo beesha caalamka.

Kulanka Kismaayo ayaa soo ifbaxay kaddib khilaaf soo kala dhaxgalay qaar ka mid ah maamulada dalka ka jira iyo dowladda oo dhexe oo ku kala aragti duwan habka loo wajahayo khilaafka wadamada Carabta oo ay dowladdu isku taagtay meel dhexe.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]