4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 7 , 2017
Mareykankan oo Gantaal ka iibinaya Boqortooyada Saudi Arabia

 

Sabti, October, 07, 2017 (HOL) - Xukuumadda Washington ayaa ansixisay in dowlada Sacuudiga laga iibiyo Gantaalada loo yaqaaano THAAD si ay u sii xoojiso nidaamka difaaca dalkeeda.

Wasaarada arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in heshiiskani oo ku kacaya 15 bilyan oo doolar uu yahay mid ay ku jirto danaha Maraykanka ee dhanka ammanka iyo siyaasada arrimaha dibadda.

Waaxda arrimaha dibadda ee mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in ay xoojin doonaan ammaanka Sacuudiga iyo dalalka kale ee gacanka xilli ay sii kordhayso khatarta ka imaanaysa Iiraan.

Wakaalada iskaashiga ammaanka u qaabilsan Pentagon-ka ayaa sheegtay in hubkani ay ka iibinayso Sacuudiga uusan wax ka badali doonin isu dheelitirnaanta Militari ee gobolka.

Warkani ayaa ku soo beegmaya maalin uun ka dib markii Sacuudi Carabiya ay Ruushka kula heshiisay in ay ka iibsato gantaalada difaaca hawada.

BBC