4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 7 , 2017
Shariif Xassan oo fariin u diray madaxda dowlad gobolleedyada dalka

 

Sabti, October, 07, 2017 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan oo gaaray magaalada Kismaayo ayaa ugu baaqay dhamaan madaxda kale ee maamul goboleedyada in ay shirka ka furmaya kismayo ka soo qeybgalaan.

Waxa uu sheegay in shirkaan uu yahay mid muhiim ah islamarkaana looga hadlayo danaha Ummadda Soomaaliyeed sidaas darteedna loo baahan yahay in madaxda maamul Goboleedyada ay ka soo qeybgalaan

Shariif Xasan oo dhawaan ka soo laabtay dalka dibadiisa ayaa shalay Kismaayo tegay, waxaana sidoo kale la filayaa in maanta Kismaayo ay tagaan masuuliyiinta maamulada Puntland, Galmudug iyo Hir-Shabeelle.

Shirka ka furmaya magaalada Kismaayo ayaa la sheegay in looga arrinsan doono xaalada siyaasadeed ee dalka iyo madmadowga soo kala dhaxgalay dowladda dhexe iyo maamulada dalka ka jira.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]