4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 7 , 2017
Waqooyiga Kuuriya oo tijaabinaya Gantaal kale

 

Sabti, October, 07, 2017 (HOL) - Dowlada Mareykanka iyo khubarro kale oo caalami ah ayaa isku raacay in ay u badantahay in Waqooyiga Kuuriya ay maalmaha fooda nagu soo hayo ay tijaabin doonto gantaalkeedi ugu danbeeyay ee ah kuwa riddada dheer.

10-ka Bisha October ayaa waxaa lagu wadaa in dalka Kuuriyada Waqooyi laga xuso, sannad guuradi 72-aad ee kasoo wareegatay marki la aas-aasay Xisbiga Shaqaalaha ee dalkaasi.

Sidoo kale 9-ka bisha October ayaa ku beegan markii ugu horreysay ee ay Kuuriyada Waqooyi ay tijaabisay gantaalada ridada dheer, sanadki 2009.

Sue Mi Terry oo ah sarkaal horay uga tirsanaan jiray CIA-da Mareykanka ayaa sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay mar walbaa tijaabiso gantaalo, xilliyada dalkaasi ay ka jiraan dabaaldagyada Qaran.

Madaxweyne Donald Trump ayaa dhawaan u bixiyay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi naaneysta ah (Ninka Gantaalka).

VOA