4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 7 , 2017
Burcad badeed laga badbaadiyay Markab ganacsi oo laga lahaa dalka India

 

Sabti, October, 07, 2017 (HOL) – Jimcihii shalay ayaa la sheegay in koox burcad badeed ah laga badbaadiyay markab ganacsi laga lahaa dalka Hindiya oo marayay meel u dhow Gacanka Cadmeed.

Saraakiisha howl galka la dagaalanka burcad badeeda ayaa sheegay in la fashiliyay isku day ay illaa 12 ka mid ah burcad badeedka ku doonayeen inay ku qafaashaan markabka.

Markabkan oo lagu magacaabo MV Jag Amar ayaa waxaa saarnaa 26 shaqaale Hindi ah, waxaana la bad baadiyay abaarihii 12:30 duhurnimo.

Taliyaha Ciidamada la dagaalanka burcad badeedka Marcos ayaa sheegay in howl galka ay ka qeyb qaateen markab dagaal oo laga lahaa Hindiya, kaa soo si  dhasqe ah ugu soo gurmaday markabka ganacsiga.

Afhayeen u hadlay Ciidamada Badda Hindiya Captain D.K. Sharma ayaa sheegay inay badqabaan dhamaan 26 shaqaale ee saarnaa Markabka.

Ciidamada badda ee Hindiya ayaa ka qeyb qaadanaya howl galka la dagaalanka burcad badeedka ee gacanka Cadan, halkaasoo marin muhiim u ah maraakiibta caalamiga isaga kala gooshta caalamka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]