Sabti, October, 07, 2017 (HOL) – Jimcihii shalay ayaa la sheegay in koox
burcad badeed ah laga badbaadiyay markab ganacsi laga lahaa dalka Hindiya oo
marayay meel u dhow Gacanka Cadmeed.
Saraakiisha howl galka la dagaalanka burcad badeeda ayaa sheegay in la
fashiliyay isku day ay illaa 12 ka mid ah burcad badeedka ku doonayeen inay ku
qafaashaan markabka.
Markabkan oo lagu magacaabo MV Jag Amar ayaa waxaa saarnaa 26 shaqaale Hindi
ah, waxaana la bad baadiyay abaarihii 12:30 duhurnimo.
Taliyaha Ciidamada la dagaalanka burcad badeedka Marcos ayaa sheegay in howl
galka ay ka qeyb qaateen markab dagaal oo laga lahaa Hindiya, kaa soo si dhasqe ah ugu soo gurmaday markabka ganacsiga.
Afhayeen u hadlay Ciidamada Badda Hindiya Captain D.K. Sharma ayaa sheegay
inay badqabaan dhamaan 26 shaqaale ee saarnaa Markabka.
Ciidamada badda ee Hindiya ayaa ka qeyb qaadanaya howl galka la dagaalanka
burcad badeedka ee gacanka Cadan, halkaasoo marin muhiim u ah maraakiibta
caalamiga isaga kala gooshta caalamka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]