4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 7 , 2017
Mareykanka oo cunaqabateyntii saarneyd ka qaaday Sudan

 

Sabti, October, 07, 2017 (HOL) – Xukuumada Washington ayaa si rasmi ah u shaacisay in ay ka qaadayso cunoqabatayn dhaqaale oo ay ku soo rogtay dalka Sudan sanadkii 1997dii.

Dowladda Mareykanka ayaa tallaabadan ku tilmaamtay in ay ka dhalatay kaddib markii ay dowlada Sudan qaaday tallaabooyin ay wax uga qabanayso dhibaatooyinka iyo colaadaha ka jira qeybo ka mid ah dalkeeda.

War ay soo saartay afhayeenka Wasaarada Arrimaha  dibada Mareykanka Heather Nauert ayaa lagu sheegay in cunoqabataynta si rasmi ah loo qaadi doono 12ka bishan Octobar 2017.

Laakiin dhinaca kale Sudan ayaa weli ka sii mid ahaan doono wadamada ay dowlada Mareykanka u aqoonsan tahay in ay caawiyaan argagaxisada sidaa darteedna cunoqabataynta hubka lagama qaadi doono dalka Sudan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]