4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 31, 2017
Raila Odinga oo ka hadlay natiijada doorashadii ku celiska aheyd ee Kenya

 

Talaado, October, 31, 2017 (HOL) – Hogaamiyaha mucaaradka Kenya oo si kulul uga jawaabay natiijadii ka soo baxday doorashadii ka dhacday Kenya ee la sheegay in uu ku guuleystay madaxweynaha talada haya ee Uhuru Kenyatta.

Raila Odinga ayaa sheegay in wixii ka dhacay Kenya aysan aheyn doorasho waxana uu ku baaqay in dib loo qabto doorasho xalaal ah waxaana la filayaa in maanta warbaahinta la hadlaan Raila Odinga iyo xisbigiisa.

Xisbiga mucaaradka Kenya ayaa soo saaray War-saxaafadeed ka kooban dhowr qodob ka kooban  oo ay muhiimaddu aheyd in dib loo galo doorasho madaxweyne oo cadaalad ah natiijada la shaaciyayna ay tahay mid qalqal lagu gilinayo dalka waxaana sidoo kale War-saxaafadeedka lagu sheegay in ay maanta hadli doonaan mucaaradka Kenya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]