4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 31, 2017
Guddiyada Amniga iyo difaaca baarlamaanka oo ka wada hadlay qodobo muhiim ah

 

Talaado, October, 31, 2017 (HOL) -- Guddiyada Amniga iyo Difaaca ee Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa shalay gelinkii dambe kulan ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa, iyagoo kulankan looga hadlay xaaladaha amni ee dalka iyo mooshinkii shalay la horgeeyay Baarlamaanka.

Kusimaha Guddoomiyaha Baarlamaanka ahna Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/wali Ibraahim Muudey ayaa ku wargeliyay Guddiyada Amniga iyo difaaca inay ka shiraan mooshinka, si maalmaha soo socda loo horkeeno Baarlamaanka.

Labada Guddi oo ay Guddoomiye u yihiin Fowziyo Maxamed Sheekh oo ah Guddoomiyaha Guddiga Amniga iyo Xuseen Carab Ciise oo ah Guddoomiyaha Guddiga difaaca ayaa waxay isla garteen in maalmaha soo socda mooshinkan looga doono kulamada baarlamaanka

Xubanaha labada guddi ayaa qaarkood sheegay in xaalada amni ee dalka ay maalmihii la soo dhaafay sii xumaanayeen, isla markaana loo baahan yahay in Baarlamaanka iska xil saaro ammaanka dalka.

Mas’uuliyiinta Hey’addaha amniga ayaa laga yaabaa inta ay socoto dooda mooshinka looga yeero kulanka, si su’aalo looga weydiiyo.

Mooshinkan ku saabsan amniga ee loo gudbiyay Guddoonka Golaha shacabka ayaa ku soo beegmaya, iyadoo maalin ka hor Golaha Wasiirada ay xil ka qaadis ku sameeyeen Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]