4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 31, 2017
Cabdiwali Gaas oo sheegay in loo baahan yahay xasilooni siyaasadeed

 

Talaado, October, 31, 2017 (HOL) - Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) oo qeyb ka ah Madaxda ka qeyb galeysa shirka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad gobolleedyada ee ka socda Muqdisho ayaa sheegay dalka in uu u baahan yahay xasilooni siyaasadeed.

Wuxuu sheegay Gaas haddii la doonayo xasilooni siyasadeed in ay ku imaaneyso Wadatashi, Midnimo, iyo in dalka uu helo xasilooni, wuxuuna ku baaqay in wadajir la noqdo.

Cabdiwali Gaas ayaa sheegay in aan loo baahneyn is qab qabsi joogto ah, oo laab lakac ah, wuxuuna tusaale u soo qaatay dowladihii ugu dambeeyay oo uu sheegay in uu ka dhex jiri jiray khilaaf aan micno ku fadhin.

Hoggaamiyaha Puntland ayaa ku baaqay muhiim in ay tahay dowladda dhexe iyo dowlad gobolleedyada in ay u midoobaan dagaalka ka dhanka ah ururka Al-shabaab, si guud ahaan dalka looga saaro.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]